20 arrimood oo aad aaminsantahay wax kama jiraanse ah:
1. Jirjiroolaha midabkiisu waxa uu u badalaa si uu isu qariyo:
Jirjiroolaha midabkiisu waxa uu ka dhigaa mid tikh ah oo madow xigeen ah si uu kul dheeraada u helo ama si uu muujiyo dareen aan farxad ahayn, waayo midabka madow Iftiinka wuu soo jiitaa.
Dhinaca kale midabkiisa cagaar iftiimaya buu ka dhigaa si uu u yareeyo xadiga kul ee jirkiisu nuugayo ama uu u muujiyo dareen farxdeed iyo xasilooni.
2. Fiidmeertu indho ma leh:
Fiidmeerta waaweyni waxa ay leeyihiin indho araggoodu saddex jibbaar kaa xooggan kuwa aadanaha.
3. Dadka hurdada kusocda in la toosiyo caafimaadkooda uma fiicna:
Dadka noocaas ah hadii aad hurdada ka toosiso dhibaato caafimaad sida wadno xanuun kuma dhacayso.
Waxaase xusid mudan qofkaas in uu adiga ku waxyeelaynkaro hadaad toosiso markaas uu isagoo hurda soconayo.
Sidey doontaba ha ahaatee waxa wanaagsan inaad toosiso waayo isagaa is waxyeeleyn kara.
4. Thomas Adison waa qofkii koowaad ee curiyay layrka:
Isaga ma ahayn ee rag badan baa ka horreeyay, balse isagaa kaga hormaray inuu diiwaan geliyo(patent).
5. Waxaannu isticmaalnaa 10% maskaxdeenna:
Khalad, khalad, khalad. Waa laga yaabaa in aan adeegsanno 10% maskaxdeenna marka aannu nasiinnada ku jirno.
Balse inta kale maskaxdeenna qeyb walba oo ka mid ah waannu adeegsannaa.
6. Waxaannu cunnaa sideed caaro sannadkkiba inta aannu hurudnaa:
Marka hore caaradu wax dana kama leh aadanaha, waa mida xigta e, caaradu waxa ay ka baqdaa khuurada, dhaqdhaqaaqa iyo neefsiga qofka hurdaya.
Hase ahaatee wax sii fog ma aha in aad liqdo caaro inta aad huruddo balse tirada intaas la eg suurto gal ma aha.
7. Toddoba sano ayey qaadanaysaa si loo dheefshiido xanjada aad liqday:
Inta ugu badan ee xanjadu ku nagaan karto habdhiskaaga dheefshiidka waa hal toddobaad/Asbuuc.
8. Eyga midabada ma wada arko(color-blind)
Eygu madow iyo caddaan keliya ma arkee, waxa uu arki karaa iskudhafka baayomadowga(blue) iyo Jaallaha, kuwaas oo ka kooban midabo madan.
Waxa aannu la barbardhigi kadhnaa sida qof aan guduud iyo cagaar arki karin.
9. Darbiga shiinaha dayaxaa laga arki karaa:
Darbigaas xitaa sawir lagama qaadi karo goorta la joogo hawada sare , waayo jooggiisu wuu gaabanyahay sidoo kale waxa uu u egyahay aagga ku hareeraysan.
10. Paluto waa meere:
Ma aha meere waxana laga saaray 2006 dii iskujoogga qorraxda, taas oo tirada ka dhigaysa sideed meere.
11. Einstein waxa uu ahaa arday dammiin ah:
Albert Einstein waxa uu helay dhibco fiican, balse ma jeclayn habka iyo nidaamka waxbarashada. Kuma aanu dhicin xisaabta sida dad badan aaminsanyihiin, balse waxa uu ku dhacay imtixaankii aqbalaadda ee Zurich polotechnic isku daygiisii koowaad, sidoo kale waa uu ku dhacay waaxaha luqada, botany iyo zoology waa faransiis bay ku baxayeen, kumana uu fiicnayn.
Waxa uu iskuulka ka qalin jebiyay isaga oo 16 jir ah.
Qof bilaabay barashada fisigiska isaga oo 11 jir ah ma ahayn arday xun.
12. Midabada asaasiga ah waa:Guduud, Buluug iyo Jaalle:
Macsalaama Jaalle, waaye hada ka dib ka mid ma ahid kuwa asaasiga ah.
Midabbada asaasiga ah ee ilayska waa: Guduud, Buluug iyo cagaar, sababtuna waxa ay tahay, waxa la curiyey ka hor modern physics.
13. Waxa aannu leennahay shan dareeme:
Waxaynu leennahay wax badan, gaajada, harradka dareenka joogitaanka meelbannaan, isu dheellitirnaanta ee sababta u yahay dareeraha dhegahaaga ka buuxa, ay ka mid yihiin.
14. Geela biyaha kuruskuu ku kaydsadaa:
Sababta geelaa 7 maalmood biyo la'aan u ahaan karo ma aha in uu ku kaydsado kuruska, waayo kurusku waa dufan/baruur, taasoo tamar siin karta muddo saddex toddobaad ah.
Balse geela Kelyihiisa iyo xiniinyihiisa ayaa keydiya biyaha.
15. Dibigu midabka guduudan wuu ku weyraxaa(xanaaqaa):
Kuma xidhna midabka ee waa qaabka loo dhaqdhaqaajinayo loona ruxayo marada.
14. Dhiigga aroorayaashu waa buluug:
Ma aha buluug, ee waxa ka dhigay muuqaalkaas waa habka ilaysku usoo celinayo iyo qaabka nudayaashu u nuugayaan.
Maadaama aroorayaashu wadaandhiig oxygentu ku yartahay waxa uu nuugayaa midbka guduudka ah taas oo keenaysa inuu u muuqdo mid baayomadow ah(buluug).
15.Isaac Newton kaddib markii uu tuffaax madaxiisu kusoo dhacay buu curiyey cufisjiidadka:
Maya madaxiisa kuma uusan soo dhicin ee dhulka ayuu kusoo dhacay, isaga oo isweydiiyay sabata uu dhulka usoo aaday ee aannu geesaha u aadin!
16. Ciddiyuhu way dheeraadaan marka qofku dhinto:
Ciddiyuhu waxa ay kori karaan, marka jirku unugyo cusub sameynayo.
Isla marka uu wadnuhu garaacidda joojiyo, unugyada dareenka waxa ay ku dhintaan muddo saddex ilaa toddoba daqiiqo ah.
Waxaa laga yaabaa ciddiyaha qofka dhintay in ay u muuqdaan kuwo dhaadheeraaday, sababtuse waxa ay tahay haragga uu turturaya.17. Xiddiga cirifeed waa kan ugu iftiinka badan:
Uguma iftiin badnee waa kan 46aad xagga iftiin badnida xiddigaha, balse waa kan ifkiisu inoogu dhowyahay.
18. Xilliyada waxa ay ku xidhanyihiin u dhowaanshiyaha dhulka ee qorraxda:
19. Haddii shilin bir ah laga soo tuuro dabaq dheer(sida: Empire building state) qofka uu ku dhoco wuu dhimanayaa:
Xitaa xabbad hadii laga soo tuuro fooqaas dheer qofka ay ku dhacdaa ma dilayso, waayo way karaar jabtay.
20. Cirku waa buluug, Qorraxduna waa jaalle:

Comments
Post a Comment